Muqdisho (Dawan)– Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex-Digfeer) ayaa qaybtiisa Pathology-ga ku soo kordhiyay saddex qalab oo casri ah. Qaybtan ayaa qaabilsan baaritaanka unugyada jirka si loo ogaado cudurrada kala duwan, gaar ahaan kansarka.
Qalabka cusub ayaa kala ah; Immunohistochemistry (IHC): Waxaa loo adeegsadaa kala saaridda noocyada kansarka iyo aqoonsiga nooca saxda ah ee cudurka. Frozen Section: Waxaa lagu sameeyaa baaritaan degdeg ah inta qalliinku socdo. Liquid-based Preparation: Waa hab casri ah oo loo adeegsado diyaarinta muunadaha unugyada si loo baaro.
Dr. Ismaaciil Maxamuud Cabdullaahi, oo ah madaxa qaybta Pathology-ga ee isbitaalka, ayaa sheegay in qalabka Immunohistochemistry uu muhiim u yahay ogaanshaha iyo daaweynta kansarka. Wuxuu xusay in qalabkani uu suurtagelinayo in la ogaado nooca saxda ah ee kansarka, taas oo dhakhaatiirta ka caawinaysa doorashada daaweynta ku habboon iyo saadaalinta xaaladda bukaanka mustaqbalka.
“Aad baan ugu faraxsan nahay in markii ugu horreysay Soomaaliya la keeno,” ayuu yiri Dr. Ismaaciil.
Qalabka Frozen Section ayaa dhakhaatiirta u suurtagelinaya inay helaan natiijada baaritaanka inta bukaanku ku jiro qalliinka. Habkan, qayb yar oo unugyada jirka ah ayaa laga qaadaa bukaanka, waxaana isla markiiba lagu sameeyaa baaritaan.