Muqdisho (Dawan) – SomBank ayaa sheegay inuu kalluumeysatada iyo shirkadaha ka shaqeeya kalluumeysiga Soomaaliyeed u fidiyay maalgelin Islaami ah oo gaareysa ilaa $2 milyan, taas oo daboolaysa dhammaan silsiladda kalluumeysiga, laga bilaabo doomaha ilaa dhoofinta.
Arrintan waxaa shaaca ka qaaday Agaasimaha Guud ee SomBank, Dr. Saciid Cali Shire, intii uu socday Shirka Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliyeed, kaas oo qabsoomay 26-kii iyo 27-kii Oktoobar 2026.
Dr. Saciid ayaa sheegay in bangigu uu sameeyo daraasado qoto dheer ka hor inta uusan maalgelin bixin. Wuxuu xusay in SomBank uu booqday xeebaha dalka oo dhan, laga bilaabo Kismaayo ilaa Berbera, isaga oo sidoo kale gaaray Eyl, Bareeda iyo deegaanno kale oo kalluumeysigu ka jiro. Wuxuu sheegay in ujeeddada daraasadahani ay ahayd in si wanaagsan loo fahmo dhammaan silsiladda kalluumeysiga, oo ay ku jiraan kalluumeysatada yaryar ee doomaha wata, ganacsatada kalluunka ka iibsata, shirkadaha warshadeeya iyo kuwa dhoofiya.
“Markii aan aqoontaas ku darnay khibradda aan u leenahay adeegyada maaliyadda Islaamiga ah, waxaa noo fududaatay inaan sameyno adeegyo gaar ah oo ku habboon baahiyaha kala duwan ee kalluumeysatada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Saciid.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in qaar badan oo ka mid ah wax-soo-saarka kalluumeysiga ee lagu soo bandhigay shirka ay yihiin kuwo SomBank uu maalgeliyay. Wuxuu xusay in maalgelinta bangigu aysan ku koobnayn heshiiska Murabaxada, balse uu sidoo kale adeegsado habab kale oo maaliyadeed oo waafaqsan mabaadi’da Islaamiga ah. Maalgelintii ugu dambeysay ee uu bangigu siiyay shirkad ka shaqeysa kalluumeysiga ayaa ku salaysnayd heshiiska Bay’ as-Salam, kaas oo bangigu horay ugu iibsaday wax-soo-saarka shirkadda ee lixda bilood ee soo socda.