Baydhabo (Dawan) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Arbacadan loo doortay hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo, xilli musharraxii kale ee ugu weynaa, Shariif Xasan Sheekh Aadan, uu qaadacay hannaanka doorashada.
Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in doorashada ay ka qeyb galeen 90 xildhibaan. Natiijada la shaaciyay ayaa muujisay in Aadan Madoobe uu helay 88 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdicaasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), uu helay hal cod. Hal cod ayaa sidoo kale xumaaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Aadan Madoobe kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ku bogaadiyay doorashada, isaga oo xusay inay qayb ka tahay geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay hoggaamiyaha cusub inuu xoogga saaro mideynta bulshada Koonfur Galbeed, xoojinta nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska.
Dhanka kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka mid ahaa musharraxiinta u taagnaa xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, ayaa qaadacay doorashada, isaga oo sheegay in aanay jirin tartan dhab ah oo dhacay.
“Lagu ma tartamin, tartan kama dhicin,” ayuu yiri Shariif Xasan, isaga oo ku eedeeyay maamulka doorashada inay meesha ka saareen hannaan tartan oo furan.