Muqdisho (Dawan) — Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo jiidashada maalgashiga kalluumeysiga, iyadoo maanta magaalada Muqdisho uu ka furmay Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga, kaas oo diiradda lagu saarayo sidii khayraadka badda loogu beddeli lahaa koboc dhaqaale iyo shaqooyin waara.
Munaasabaddan oo sannadkii saddexaad la qabanayo ayaa halku-dhiggeedu yahay “Dhisidda Iskaashiyo Horseeda Koboc Waara” waxaana soo qabanqaabiyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.
Kulanka oo soconaya 26-ka iyo 27-ka Oktoobar waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, safiiro, ganacsato, maalgashadayaal, shirkadaha kalluumeysiga iyo daneeyayaasha dhaqaalaha buluugga.