Muqdisho(Dawan) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa maanta oo Sabti ah xilka ku wareejiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, kadib markii loo doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Xil-wareejinta ayaa ka dhacday kulan aan caadi ahayn oo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Shacabka.
Aadan Madoobe ayaa xilka baneeyay kadib markii uu aqbalay hoggaaminta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka ee 2026, Qodobka 81-aad, faqraddiisa 1-aad, xarafka (f), xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa marka qofku uu aqbalo xil kale oo dowladeed oo ka tirsan heerarka kala duwan ee dowladda.
Arrintaasi waxay sababtay in xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bannaanaado, iyadoo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay si ku-meel-gaar ah u sii hayn doonto xilka guddoomiyaha ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha.