Garoowe (Dawan)- Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ansixiyey miisaaniyadda maamulka ee sannadka 2027-ka, taas oo dhan $308,213,973, kana yar tii sannadkii hore, sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray kulanka Golaha Wasiirrada oo ka dhacay magaalada Garoowe.
Kulanka waxaa guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor. Ajandaha kulanka ayaa qayb ka ahaa dib-u-eegista qorshaha maaliyadeed ee maamulka ee sannadka soo socda.
Intii uu socday kulanka, Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigtay warbixinta miisaaniyadda, waxaana sidoo kale la dhageystay warbixinno ay diyaariyeen guddiyo farsamo oo dib u eegis ku sameeyey kobcinta dakhliga gudaha iyo maaraynta kharashaadka.
Dood iyo falanqayn kaddib, Golaha Wasiirradu waxay ansixiyeen miisaaniyadda cusub oo dhan $308.2 milyan. Sida lagu sheegay bayaanka, miisaaniyaddu waxay ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo maalgelinta mashaariicda socda.