Qaahira (Dawan) – Jaamacadda Carabta ayaa cambaareysay dadaallada Israa’iil ee ay ku doonayso inay Somaliland ka samaysato matalaad diblomaasiyadeed, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaas ay xadgudub ku yihiin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay Isniintii ayay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa lagu dhaliishay tallaabada la sheegay inuu safiir Israa’iili ahi waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay mas’uuliyiinta Somaliland, iyo dhagax-dhigga dhisme loogu talagalay safaaradda Israa’iil ee magaalada Hargeysa.
Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaas ay si cad uga hor imaanayaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ururka ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay raadineyso xiriirro diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed oo ay la yeelato Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay horseedi karaan kala-qaybinta Soomaaliya iyo ballaarinta saameynta milatari iyo siyaasadeed ee Israa’iil ku leedahay Gacanka Cadmeed.