Gaalkacyo (Dawan)– Maamulka Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ku guuleystay sii-deynta gaadiid xamuul ah oo ku kala xannibnaa magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Qabridahare ee gobolka Qoraxey, kaddib dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen mas’uuliyiinta, laamaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada labada dhinac.
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in laba gaari oo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida laga sii daayay magaalada Gaalkacyo, halka sidoo kale la sii daayay gaadiid ay lahaayeen ganacsato reer Puntland ah oo ku xannibnaa magaalada Qabridahare ee gobolka Qoraxey.
Sida uu sheegay Maamulka Gobolka Mudug, sii-deynta gaadiidka ayaa timid kaddib wada-hadallo iyo iskaashi dhexmaray maamulka gobolka, taliska booliska, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka, kuwaas oo ka shaqeynayay xallinta khilaafka iyo dib u soo celinta isu socodka gaadiidka ganacsiga ee labada dhinac.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Gobolka Mudug, Mukhtaar Cabdikariim Cilmi, iyo Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gaashaanle Ayuub Siciid, ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidka laga sii daayay magaalada Gaalkacyo Isniintii. Ayuub Siciid ayaa sheegay in maamulka iyo laamaha amniga ay ka go’an tahay ilaalinta nabadgelyada iyo ganacsiga, isaga oo xusay in cid kasta oo tabasho qabta ama xuquuq ka maqan tahay ay cabashadeeda u marto booliska iyo maxkamadaha, halkii ay si gaar ah ula wareegi lahayd gaadiidka dadka kale. Waxa uu intaas ku daray in sii-deynta gaadiidka ay suuragelisay wada-shaqaynta maamulka iyo ganacsatada labada dhinac, isaga oo rajo ka muujiyay in heshiiska la gaaray uu ka hortagi doono soo noqoshada falal noocan oo kale ah.