Addis Ababa (Dawan) – Dowladda Itoobiya ayaa lix magaalo ka furtay 11 xarumood oo lagu dabeeyo gaadiidka korontada ku shaqeeya, kuwaas oo awood u leh inay hal mar dabeeyaan illaa 96 gaari, sida ay Sabtidii sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA).
Xarumahan oo ay dhistay Shirkadda Korontada Itoobiya (Ethiopian Electric Utility – EEU) ayaa ku kala yaalla Addis Ababa, Bishoftu, Mojo, Adama, Batu iyo Hawassa. Shan ka mid ah xarumaha cusub ayaa laga hirgeliyay caasimadda Addis Ababa.
Munaasabadda furitaanka, madaxa fulinta ee Shirkadda Korontada Itoobiya, Getu Geremew, ayaa sheegay in hal maalin gudaheed la furo 11 xarumood oo lagu dabeeyo gaadiidka korontada ay guul muhiim ah u tahay shirkadda. Mid ka mid ah xarumaha cusub oo ku yaalla waddada Hachalu Road ee Addis Ababa ayaa waxaa iska kaashaday shirkadda korontada iyo maamulka magaalada, waxaana uu awood u leeyahay inuu hal mar dabeeyo ku dhowaad 12 gaari, sida uu sheegay Geremew. Waxa uu intaas ku daray in shirkaddu qorsheyneyso inay shan jibbaar ka dhigto tirada xarumaha lagu dabeeyo gaadiidka korontada ee Addis Ababa iyo nawaaxigeeda sannadka soo socda, iyadoo sidoo kale adeegyadaas gaarsiin doonta magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Dire Dawa, Mekelle, Bahir Dar, Gondar, Jigjiga, Jimma iyo Arba Minch.
Geremew ayaa sidoo kale sheegay in shirkaddu ay hadda leedahay awood ay hal mar ugu adeegto illaa 150 gaari oo koronto ku shaqeeya, isaga oo xusay in ballaarinta kaabeyaashan ay gacan ka geysan doonto dhiirrigelinta isticmaalka tamarta nadiifka ah, yaraynta wasakhowga hawada iyo dhimista ku tiirsanaanta shidaalka caadiga ah.