Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ku qabatay shirweynaha sanadlaha ah ee barnaamijka biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda (R-WASH), kaas oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin dowladeed iyo bahwadaagta horumarinta, si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan horumarka barnaamijka iyo caqabadaha ka jira hirgelintiisa.
Shirka oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta guulaha uu barnaamijku gaaray, aqoonsiga caqabadaha jira iyo raadinta xalal wadajir ah oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ee qaxootiga, dadka gudaha dalka ku barakacay iyo bulshada martida loo yahay.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa wada-shaqaynta hay’adaha iyo bahwadaagta kala duwan, si loo xaqiijiyo in bulshooyinku helaan adeegyo tayo leh oo la xiriira biyo nadiif ah iyo fayadhowr.