Baydhabo (Dawan)– Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in amniga magaalada Baydhabo uu soo hagaagay 100-kii maalmood ee uu xilka hayay, isaga oo xusay in xukuumaddiisu qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nabadgelyada iyo dib u soo celinta deegaannada ay Al-Shabaab maamusho.
Hoggaamiyaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-ka maalmood ee xukuumadda Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kaga hadlay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, caddaaladda iyo dowlad-wanaagga.
Waxa uu sheegay in markii uu xilka la wareegayay ay jireen caqabado amni oo ka taagnaa Baydhabo iyo deegaannada ku dhow, kuwaas oo saameyn ku lahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in xaaladda amniga ee maanta ay ka duwan tahay tii uu xilka la wareegay, inkastoo uu qiray in aan weli la gaarin heerka nabadgelyo ee ay xukuumaddiisu hiigsanayso.
Dib u soo celinta deegaannada ay Al-Shabaab maamusho ayuu ku tilmaamay mid ka mid ah mudnaanta koowaad ee maamulkiisa, isaga oo sheegay in ujeeddadu tahay in shacabka loo suurtageliyo nolol xor ah iyo isu socod ammaan ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay waddooyinka isku xira magaalooyinka iyo degmooyinka Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in weli ay jiraan caqabado hortaagan in mas’uuliyiinta iyo shacabka ay si nabadgelyo ah ugu safraan deegaannada maamulka.