Bandarbayla (Dawan)– Ciidanka Badda Hindiya ayaa badbaadiyay 20 shaqaale oo saarnaa markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, kaas oo kooxo burcad-badeed Soomaali ah ay ku afduubteen xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya, kaddib howlgal milatari oo socday in ka badan 48 saacadood, sida ay Talaadadii sheegtay Wasaaradda Difaaca Hindiya.
Markabka oo lagu magacaabo Azini ayaa la afduubtay 29-kii Oktoobar, xilli uu ku sugnaa meel qiyaastii 185 mayl-badeed dhinaca bari kaga beegan magaalada Bandarbayla, inta u dhexeysa magaalooyinka xeebaha ku yaalla ee Bandarbayla iyo Hafun, ee Dowlad Goboleedka Puntland.
Ciidanka Badda Hindiya ayaa howlgalka u adeegsaday markab dagaal iyo diyaarad sahamin badeed ah si ay u helaan una la socdaan markabka, kaddib markii ay heleen wararka afduubka. Howlgalka waxaa sidoo kale taageeray Ciidanka Cirka Hindiya, oo diyaarad nooca C-17 ah ku daabulay ciidamo gaar ah oo ka tirsan Kumaandooska Badda.
Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay inay adeegsadeen tallaabooyin lagu xakameynayay dhaqdhaqaaqa markabka, ka hor inta aan la fulin howlgal isku-dubaridan oo lagu xaqiijiyay badbaadada markabka laguna xoreeyay dhammaan 20-ka shaqaale. Lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.
Afduubka markabka ayaa walaac ku abuuray hay’adaha amniga badda, kuwaas oo ka digay in burcad-badeeddu ay markabka u adeegsan karaan saldhig ay ka abaabulaan weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha galbeedka Badweynta Hindiya. Xarunta Amniga Badda ee Badweynta Hindiya, oo taageerta howlgalka Midowga Yurub ee Atalanta, ayaa horay uga digtay in dhaqdhaqaaqa markabka ee ku wajahnaa marinnada waaweyn ee maraakiibta uu khatar ku keeni karo isu-socodka gaadiidka badda ee gobolka.