Addis Ababa (Dawan)— Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Talaadadii sheegay inuu kala hadlay madaxweynaha Turkiga kaalmo diblomaasiyadeed si ay Itoobiya u hesho marin badeed nabdoon, isagoo bad la’aanta dalkiisa ku tilmaamay “xabsi juquraafi ah” oo ka dhashay dhacdooyin taariikhi ah.
Abiy ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ah oo ka dhacay Addis Ababa, halkaas oo uu garab taagnaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in helitaanka marin badeed uu muhiim u yahay joogteynta horumarka dhaqaale ee degdegga ah ee Itoobiya, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay saadaalinayso heer korriin dhan 10.2% sanadkan.






