Muqdisho (Dawan) — Iskuul loogu talagalay gabdhaha ka soo jeeda qoysaska barakacayaasha ah, kaas oo markii hore ka bilowday geed hoostiis duleedka Muqdisho, ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday taageero. Aasaasaha iskuulka ayaa sheegtay in uusan weli lahayn dhisme, miisas iyo kuraas ay ardaydu wax ku bartaan.
Iskuulka Gabdhaha ee Faadumo Cureeji, oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley, ayaa wax bara gabdho iyo haween aan awoodin inay helaan waxbarasho. Casharrada waxaa lagu dhigtaa geed hoostiis, halka ardaydu ay ku fadhiistaan darmooyin, buugaagtoodana gacmaha ku qabsadaan marka ay wax qorayaan. Iskuulku wuxuu haystaa hal sabuurad oo keliya.
“Dowladdu nama taageerin, weli ma aanan arkin dowlad,” ayay tiri Nasra Cabdinaasir Daahir, aasaasaha iyo maamulaha iskuulka. Nasra ayaa sheegtay in fikradda aasaaska iskuulka ay ku dhalatay xilli ay ka shaqaynaysay isbitaal. Halkaas ayay kula kulantay hooyo dhallinyaro ah oo la socotay qof bukaan ah, taas oo u sheegtay inaysan waligeed iskuul dhigan. Nasra ayaa billowday inay hooyadaas ku barato akhriska iyo qoraalka af-Soomaaliga gudaha isbitaalka.
Hooyadaas ayaa markii dambe u sheegtay in gabdho kale oo badan oo ku nool xerada barakacayaasha ee ay degan tahay aysan helin waxbarasho. Nasra waxay booqatay deegaanka, halkaas oo ay ka diiwaangelisay qiyaastii 50 gabdhood. Dadka deegaanka ayaa u oggolaaday inay geed hoostiis ka dhigato fasal waxbarasho, ayay tiri.
Iskuulka waxaa maamula koox macallimiin dhallinyaro ah, kuwaas oo qaarkood qayb ka mid ah mushaarkooda ku bixiya daboolidda kharashaadka iskuulka, ayay sheegtay Nasra. Iskuulku wuxuu sidoo kale deeqo ka helay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku arkay baahinnada tooska ah ee baraha bulshada.
Nasra ayaa sheegtay in iskuulku dowladda ka doonayo inay bixiso mushaarka macallimiinta, si joogto ah u gaarsiiso buugaagta waxbarashada, isla markaana ay keento miisas iyo kuraas. Waxay intaas ku dartay in loo baahan yahay dhisme rasmi ah oo ardaydu wax ku bartaan. Ma aysan sheegin lacag gaar ah oo iskuulku u baahan yahay, balse waxay tilmaantay in loo baahan yahay dhaqaale badan si loo ballaariyo waxbarashada loona qaabilo arday ka badan kuwa hadda dhigta. Waxay sheegtay in magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow ay ku yaallaan iskuullo lacag la'aan ah, balse deegaanka Garasbaaley uusan lahayn iskuul gaar u ah gabdhaha oo keliya.