Beledweyne (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aysan jirin dhimasho ama dhaawac soo gaaray ciidamadeeda ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaddib weerar Khamiistii ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif. War-saxaafadeed ay Jimcihii soo saartay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ay iska caabiyeen weerarkii dhacay 19-kii Nofeembar, abbaaraha 1:00 duhurnimo.
Safaaraddu waxay sheegtay in ay xiriir la samaysay taliska Qaybta Afraad ee AUSSOM, kaas oo xaqiijiyay in ciidamada hawlgalka ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana ka hortageen in la qabsado garoonka diyaaradaha.