Muqdisho (Dawan)— Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ah in safiirka Imaaraadka Carabta ka baxo dalka muddo 72 saacadood guduhood ah. Dadweynaha ka qaybgalay bannaanbaxa ayaa sitay calanka Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqayeen halku-dhegyo lagu taageerayo madax-bannaanida dalka iyo go’aanka dowladda.
“Waxaan taageersanahay go’aanka. Madax-bannaanida Soomaaliya waa khad cas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan, oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay bannaanbaxa. Maxamed Cali, oo isna ka qaybgalay bannaanbaxa, ayaa go’aanka ku tilmaamay war farxad u ah shacabka Soomaaliyeed.
“Waa war farxad leh in dowladdu safiirka Imaaraadka u sheegtay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood, isla markaana ay safiirkeeda ka soo celisay Imaaraadka. Waa go’aan la sugayay oo dib u dhacay, laakiin goor dambe ayaa dhaanta goor la’aan,” ayuu yiri.
Maxamed Cali ayaa ku baaqay in xiriirka Imaaraadka gebi ahaanba la jaro. Wuxuu madaxda Imaaraadka ku eedeeyay inay Soomaaliya u qabaan niyad xun, ayna doonayaan inay dhacaan kheyraadka dalka.
“Waxay adeegsadeen siyaasiyiin qaarkood oo gammi yar, kuwaas oo lacag qaatay si ay fidno uga dhex abuuraan shacabka Soomaaliyeed, dalkana u kala qaybiyaan,” ayuu yiri.