Muqdisho (Dawan)— Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, László Máthé, ayaa Khamiistii booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee SOS ee magaalada Muqdisho, isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalka, isla markaana la kulmay shaqaalaha caafimaadka, bukaannada iyo ardayda.
Booqashadan ayaa muujisay iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Isbitaalka SOS, kaas oo taageero ka helayay Midowga Yurub tan iyo sannadkii 1991-kii.
Ujeedada booqashada ayaa ahayd farriin uu Safiirka Midowga Yurub ku adkeeynayay muhiimadda daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, isagoo sheegay in hooyo kasta ay mudan tahay daryeel caafimaad oo badbaado leh, halka ilmo kastana uu mudan yahay bilow nololeed oo caafimaad qaba.