Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dhimashada dadka ku dhimanaya dagaallada ka socda gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in Imaaraadku bixiyo lacagta, rasaasta iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (daroonta).
“Halka qof ee inagaga dhinta Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose iyagaa mas’uul ka ah. Lacagta iyagaa bixiya, rasaasta iyagaa bixiya, daroonnada iyagaa soo gada, wax walba iyagaa sameeya,” ayuu yiri Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu sharfayay kooxda fanka Waaberi oo ka dhacday magaalada Muqdisho. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay maalintii dowladda Soomaaliya ay safiirka Imaaraadka siisay 72 saacadood inuu dalka uga baxo.
Xamse ayaa eedeyntan la barbardhigay waxa uu sheegay in Imaaraadku ka sameeyay Suudaan. Wuxuu sheegay in maleeshiyaad uu Imaaraadku hub siiyay ay magaalada Al-Faashir ku dileen lix kun oo qof muddo saddex saacadood ah. “Hadday Al-Faashir saddex saacadood ku dileen lix kun, innaga maanta waxaa naga taagan Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu yiri.