Kampala (Dawan) – Dowladda Uganda ayaa Jimcihii xaqiijisay in ciidamadeeda difaaca (UPDF) ay bilaabeen inay ka baxaan Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo sheegtay in tallaabadu ay soo afjarayso hawlgal 20 sano ah, xilli dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay in aysan ahayn bixitaan buuxa.
“Waxaan sidoo kale doonaynaa inaan xusno in Ciidamada Difaaca Dadka Uganda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya. Waxay ka baxayaan Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, tanina waxay soo afjaraysaa hawlgal 20 sano ah,” ayuu yiri Alan Kasujja, Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Warbaahinta Uganda.
“Waxaan ku luminay walaalo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dadka Uganda, waxaana salaan u dirnaynaa kuwii naftooda u huray ammaanka iyo isbeddelka aan weli ka aragno Soomaaliya,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Hase yeeshee, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa Talaadadii sheegay in ciidamada Uganda ee hadda baxaya ay yihiin ciidamo ku jooga heshiis gaar ah oo u dhexeeya labada dal, ee aysan ka tirsanayn hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM).