New York (Dawan) – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii meel mariyay qaraar ay soo jeedisay dowladda Ghana, kaas oo addoonsiga iyo ganacsigii dadka ee loo soo maray Badweynta Atlaantik ku tilmaamay mid ka mid ah dambiyadii ugu waaweynaa ee taariikhda aadanaha ka dhacay.
Qaraarkan waxaa u codeeyay 123 dal, halka Mareykanka, Argentina iyo Israa’iil ay ka soo horjeesteen, iyadoo 53 dal ay ka aamuseen codbixinta.
Qoraalka qaraarka ayaa lagu sheegay in ganacsigii addoomaha ee Atlaantik uu ahaa “musiibo aad u naxdin badan”, taas oo keentay dhibaato, rabshado iyo ka faa’iideysi dhaqaale oo socday qarniyo badan, isla markaana saameyn ku yeeshay malaayiin Afrikaan ah iyo dadka ka soo jeeda asal ahaan Afrika.
Qaraarku wuxuu sidoo kale tilmaamay in saamaynta addoonsiga uu weli ka muuqdo meelo badan oo ay ka mid yihiin sinaan la’aan nidaamsan, cunsuriyad, iyo caqabado dhinaca horumarka ah oo weli ka dhax jira qaar ka mid bulshada.
Sidoo kale, qaraarku wuxuu ku baaqay “caddaalad dib-u-heshiisiin ah”, isagoo dalalka hore uga qayb qaatay ganacsiga addoomaha ku dhiirrigeliyay inay wadahadal la yeeshaan Midowga Afrika iyo dowladaha Afrika si loo qaado tallaabooyin wax looga qabanayo dulmiyadii taariikhiga ahaa.
