Baydhabo(Dawan)— Natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bannaanka soo dhigtay caqabado dhinaca waxbarashada ah, iyadoo Af-Soomaaligu noqday maadada ay ardaydu ugu dhibcaha hooseeyaan.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaanka sanad-dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo lagu qabtay 71 xarumood oo ku yaalla deegaannada maamulka.
Baydhabo iyo Afgooye ayaa ka mid ahaa magaalooyinka ugu tira badnaa ardayda u fadhiisatay imtixaanka.
Sida ay muujinayaan xogta la shaaciyay, 19,788 arday ayaa isu diiwaangeliyay imtixaanka. Hase yeeshee, 1,685 arday ayaa ka maqnaaday imtixaanka, taas oo ka dhigan in 17,916 arday ay ugu dambayn fariisteen imtixaanka.
Gabdhaha ayaa ka mid ahaa kuwa ugu badan ee maqnaa. 934 gabdhood iyo 711 wiil ayaa aan ka qaybgelin imtixaanka.
Maamulka Koonfur Galbeed si cad uma shaacin sababta ay tiradaas badan ee ardaydu uga maqnaadeen imtixaanka.
Af-Soomaali iyo Teknoolaji — labada dhinac ee natiijada