Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furantay Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saarayo sidii nabadda looga dhigi lahaa tiir saldhig u ah mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya.
Madashan oo uu soo qabanqaabiyay Golaha Qaranka ee Dhaqaalaha (NEC) ayaa soconaysa muddo laba maalmood ah, 25–26-ka Nofeembar 2026, waxaana hal-ku-dhegga looga dhigay “U-guuridda Dhaqaale ku Dhisan Nabad”.
Madasha oo sannadkan galay sannadkeedii sagaalaad ayaa hal goob isugu keentay hoggaamiyeyaasha dowladda, dejiyeyaasha siyaasadaha, bahda ganacsiga, saaxiibbada horumarinta iyo daneeyayaasha dhaqaalaha dalka.