Muqdisho (Dawan)– Guddiga Doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa sheegay in doorashada hoggaanka ururka ay maanta, Arbacada, u dhacayso sidii loo qorsheeyay. Go’aankan ayaa ka hor imanaya xeer wasiir oo ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda, kaas oo faraya in doorasho ku-meel-gaar ah lagu qabto muddo laba bilood gudahood ah.
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa soo saaray xeer wasiir oo lagu nidaaminayo laguna muddeynayo doorashada ku-meel-gaarka ah ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed, sida ay wasaaraddu ku sheegtay war ay soo saartay Talaadadii.
Xeerka ayaa dhigaya in doorashada ku-meel-gaarka ah lagu qabto muddo laba bilood gudahood ah, laga bilaabo 24-ka November. Wasiirka ayaa sidoo kale soo saaray hagaha guud ee doorashada ururka, kaas oo si gaar ah xoogga u saaraya ilaalinta qoondada haweenka qareennada ah, xilalka loo tartamayo iyo muddada xil-haynta, sida ay sheegtay wasaaraddu.