Kismaayo (Dawan) – Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar, ayaa xaqiijiyay inuu jiro heshiis ganacsi oo u dhexeeya dowlad-goboleedka iyo maalgashadayaal Imaaraat ah oo la xiriira wax-soo-saarka mooska. Wuxuu sidaas u sheeegay maanta oo Arbaco ag Dawan Media.
Mukhtaar ayaa sheegay in beeraha mashruuca loo sameeyay ay ku yaallaan dhul ay leedahay Dowladda Jubbaland, isla markaana aanu ahayn dhul maamulka ka qaaday beeraleyda ama dadka deegaanka. “Cidna lagama barakicin dhulkeeda, mana jiro dhul laga qaaday beeraleyda deegaanka,” ayuu yiri.
Hadalka wasiirka ayaa jawaab u ahaa warbixin muuqaal ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed baahiyay habeenimadii Talaadada. Warbixintaas oo soo xiganaysay hay'ado dowladeed ayaa sheegtay in dhul-beereed u dhexeeya 30,000 ilaa 50,000 oo hektar, kuna yaalla inta u dhexeysa deegaannada Yoontooy iyo Saanguni, si xoog ah loogu wareejiyay maalgashadayaal Imaaraati ah. Warbixintu waxay intaas ku dartay in arrintaasi sababtay barakicinta beeraley Soomaaliyeed.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Jubbaland ay maalgashiga fulisay iyada oo aan oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mukhtaar ayaa arrintaas beeniyay, wuxuuna ku adkeystay in dowlad-goboleedku xaq u leeyahay inuu maamulo kheyraadkiisa, isla markaana uu galo heshiisyo maalgashi, isaga oo intaas ku daray in heshiisyada noocaas ahi aanay u baahnayn la-tashi lala yeesho dowladda federaalka.