Soomaaliya, 9 Nofeembar 2025 — Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa xaqiijiyay in afar carruur ah ku geeriyoodeen dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda October ee degmada Axmed Dhagah, Hargeysa.
Dabkan ayaa ka kacay qiyaastii 1 duhurnimo maanta, wuxuuna ku faafay guri ka kooban labo qol iyo barando. Carruurta, oo kala ah saddex wiil iyo hal gabar, dhammaantood da’doodu ka yar tahay 10 sano, ayaa loogu tagay meydkooda goobta kadib markii kooxaha gurmadka ay xakameeyeen dabka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa lagu sheegay in saraakiishu ay "si degdeg ah uga jawaabeen" dhacdada, ayna ku guuleysteen in dabku uusan ku fidin dhismayaasha kale ee ku xeeran.“Dabka waxaa lagu xakameeyay ka hor intaanu u gudbin dhismayaasha kale,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dhacdadan ayeey ciidanka ku sheegeen inay dhacday xilli uu jiray khilaaf qoys dhex maray waalidka carruurta, iyadoo lagu eedeeyey inuu gubay guriga .“Aabihii falkan arxandarada ah geystay ayaa la Soo qabtay,isagoo baxsanaya waxaana hadda lagu hayaa laanta Dambibaadhista CID da.,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.







