Soomaaliya, 8 Nofeembar 2025 — Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa shaaciyay in ciidanka ammaanku ay soo qabteen afar qof oo ku eedeeysan inay ku lug lahaayeen dilka nin da’ ah oo loogu geystay tuulada Dudumaay, oo hoostaga degmada Wanlaweyn ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jimcihii lasoo dhaafay.
Dilkan, oo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu wadaagay, ayaa muujinayay nin da’ ah oo kooxo aan la aqoonsaneyn ay jirdilayeen kadibna dab ka shidday maydka.
Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn, Cabdiqaadir Maxamed Cabdillaahi, ayaa shir jaraaid Sabtidii oo uu qabtay ku xaqiijiyay in baaritaan socdo oo la wado, isla markaana lagu hawlan yahay sidii dhammaan dadka ka dambeeyay dilkan loogu qaban lahaa.
“Laamaha ammaanku waxay howlgallo ka sameeyeen tuuladii falka foosha xun uu ka dhacay maanta, waxaana lagu soo qabtay ku dhawaad afar qof. Howlgalka waa socda,” ayuu yiri Guddoomiyaha Cabdiqaadir. “Waxaan shacabka u ballanqaaday inaan horkeeno dhagarqabayaasha, cid ay noqon karto ha noqotee.”








