Addis Ababa (Dawan) – Madaxda dalalka Afrika ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada, madax-bannaanida, iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland 26-kii December 2025.
"Waxaa si adag u cambaareynayaa una diideynaa dhammaan falalka ka imaanaya dhinacyada dibadda, gaar ahaan aqoonsiga halka dhinac ah ee ay Israa'iil siisay waxa loogu yeero “Jamhuuriyadda Somaliland”, waxaana si cad ugu baaqaynaa in si degdeg ah looga noqdo" ayaa lagu yiri' war-saxaafadeedka kasoo baxay gabagabada shirkii 39-aad ee Madaxda ee Midowga Afrika, oo ka dhacay Addis Ababa.
Ururka ayaa caddeeyay in dhammaan madaxda Afrika ay isku raacday diidmada aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyaga oo carrabka ku adkeeyay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya ee taariikhiga ah iyo midnimada dalka.
Madaxda Afrika ayaa sidoo kale xustay in aqoonsigan uu ka hor imaanayo mabaadi’da aasaaska ee Midowga Afrika iyo qaraarrada caalamiga ah ee taageera ilaalinta xuduudaha dalalka xubnaha ka ah ururka.







