Muqdisho (Dawan)–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed isugu yeeray magaalada Dubai, una ballanqaaday lacag haddii ay hub qaataan oo dagaal la galaan dowladda.
Xamse ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay kooxda fanka Waaberi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa ku beegnayd maalintii dowladda Soomaaliya ay safiirka Imaaraadka siisay muddo 72 saacadood ah inuu dalka kaga baxo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kaddib markii Soomaaliya ay Janaayo 2026 ka baxday heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, uu Imaaraadku siyaasiyiinta mucaaradka isugu yeeray magaalada Dubai, una sheegay inuusan mar dambe siin doonin taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona.
“Siyaasad kuguma taageerayo, xoolo kuguma siinayo. Qori ma heli kartaa? Dagaal ma ridi kartaa? Anigu waxaan rabaa dab inuu kaco,” ayuu Xamse ku tilmaamay farriinta uu sheegay in Imaaraadku u gudbiyay mucaaradka.