Muqdisho (Dawan) — Xuseen Cabdi Aadan, Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka ee Dawan, ayaa ka hadlay khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee la xiriiray ciidamada uu Imaaraadku tababaray, gaar ahaan cidda gacanta ku haysa iyo awoodda dowladda Soomaaliyeed ee ay ku maamuli karto.
Xuseen ayaa arrintan kaga hadlay barnaamijka Politiko 360, oo uu marti ku ahaa Xasan Xundubey Jimcaale, wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Imaaraadku xilligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tababaray inta u dhexeysa 2,000 iyo 2,500 oo askari oo Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in khilaafka labada dhinac uu qayb ahaan salka ku hayay maamulka ciidamadaas. Dowladda Federaalka ayaa doonaysay inay ciidamadaas u adeegsato qorshaheeda amni, halka Imaaraadka lagu eedeeyay inuu doonayay inuu sii haysto saameynta uu ku leeyahay.
Xuseen ayaa sidoo kale ka hadlay walaaca laga qabo in ciidamada ay tababaraan dowladaha shisheeye loo adeegsado dano ka baxsan kuwa Soomaaliya, halkii ay si buuxda uga amar qaadan lahaayeen hay'adaha amniga dalka.