Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Soomaalida ku khiyaamaysay saddex arrimood oo kala ah magaca aasaasihii dalkaas, Sheekh Zaayid bin Sultaan Aala Nahyaan, qamiiska iyo afka Carabiga.
“Dowladda Imaaraadku waa dowlad nagu sirtay saddex shay,” ayuu yiri Xamse, oo hadalkan ka jeediyay xaflad lagu sharfayay kooxda fanka Waaberi oo ka dhacday magaalada Muqdisho. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay maalintii dowladda Soomaaliya ay safiirka Imaaraadka siisay 72 saacadood inuu dalka uga baxo.
Xamse wuxuu sheegay in Sheekh Zaayid bin Sultaan, oo uu ku tilmaamay “Xakiimul Carab” (caaqilka Carabta), uu ahaa nin oday ah oo caqli badan, Soomaalidana si weyn u yaqaannay, iyaguna ay yaqaaneen. Wuxuu sheegay inuu Soomaalida la ganacsan jiray xitaa ka hor intii aan Imaaraadku dowlad noqon, isla markaana uu aad u jeclaa.
“Dadkii hore ee Soomaalida ah Sheekh Zaayid nin ay qaddariyaan oo qiimeeyaan ayuu ahaa. Dowladda Imaaraadkana sidaas ayaa loo jeclaa,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Soomaalidu toddobaatanaadkii lacag u ururin jirtay Imaaraadka. Wuxuu sheegay in xiriirkaas qotada dheer iyo walaaltinimadii uu Sheekh Zaayid kasbaday ay ka mid ahaayeen waxyaabihii u sahlay Imaaraadka inuu Soomaaliya yimaado oo kalsooni ka helo.