Abu Dhabi (Dawan)— Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay hab-dhaqanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay mid colaadeed oo aan sabab lahayn, isla markaana sheegtay in tallaabooyinkaasi ay dhaawacayaan xiriirka labada dal iyo iskaashigooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in go'aannada saameeya xiriirka labada dal ay tahay inay ku saleysnaadaan danaha wadajirka ah, kana madax bannaanaadaan arrimaha siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha.
Wasaaradda ayaa sidoo kale muujisay sida ay uga xun tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Imaaraadka ku soo dhex darto khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ee la xiriira awoodda, iyadoo ka digtay in arrintaasi ay saameyn taban ku yeelan karto danaha labada shacab.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu hore u xiray safaaraddiisa Muqdisho, isla markaana uu shaqaalihiisa diblomaasiyadeed kala baxay Soomaaliya bishii Janaayo 2026, sababo la xiriira waxa uu ku tilmaamay tallaabooyin colaadeed oo Dowladda Soomaaliya ka qaaday safaaradda iyo siyaasadaha Abu Dhabi.