Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu si toos ah ama si dadban ugu lug lahaa xasuuqa ka dhacay Marinka Gaza, xilli xiisadda labada dal ay gaartay heerkii ugu sarreeyay.
Xamse ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay kooxda fanka Waaberi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa ku beegnayd maalintii Dowladda Soomaaliya ay safiirka Imaaraadka siisay muddo 72 saacadood ah inuu dalka kaga baxo.
“Gaza wixii ka dhacay iyo xasuuqa ka dhacay, si dadban ama si toos ah ayay iyagu ugu lug leeyihiin,” ayuu yiri Xamse oo ka hadlayay dowladda Imaaraadka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer fahamsanaayeen siyaasadda Imaaraadka, isla markaana ay dowladda ku cadaadinayeen inay dalka ka saarto, iyagoo ka duulaya waxa uu ka sameeyay dalalka Islaamka iyo Carabta. Wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inuu door ku lahaa burburka Liibiya iyo Yemen, sidoo kalena maleeshiyaad uu hubeyay ay magaalada Al-Faashir ee Suudaan ku dileen lix kun oo qof.