Asmara (Dawan)— Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Sabti ah ugu ambabaxay Masar booqasho shaqo, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebreab Meskel.
Afwerki ayaa ka qaybgeli doona shir ay yeelanayaan madaxda dowladaha oo diiradda lagu saarayo amniga wadajirka ah, xasilloonida iyo iskaashiga, sida uu Meskel ku sheegay qoraal uu soo dhigay X. Wuxuu sheegay in shirkan uu yahay mid sii ambaqaadaya shirar xilliyo hore oo looga hadlayay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Gacanka Carabta iyo wabiga Niilka.
Afwerki iyo Sisi ayaa sidoo kale inta uu booqashada ku jiro ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, sida Meskel uu sheegay.