Marka (Dawan) – Agabka doorashada ayaa si rasmi ah loo gaarsiiyay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay diyaar garowga ugu dambeeya ee doorashada deegaanka ee la qorsheeyay 10-ka May 2026, sida uu sheegay Telefishinka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha degmada Marka, Cadaani Axmed Deeqooy, ayaa soo dhaweeyay gaarsiinta agabka doorashada, isagoo sheegay in tani ay muujinayso heerka wanaagsan ee diyaar garowga iyo sida ay uga go’an tahay maamulka degmada in doorashadu u dhacdo si nabad ah oo hufan.
Cabdishakuur Abiib, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka, ayaa xaqiijiyay in guddigu si buuxda ugu diyaar garoobay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, isagoo xusay in doorashadani ay tahay mid taariikhi ah oo u oggolaanaysa dadka deegaanka inay si xor ah u doortaan cidda matalaysa.


