Nairobi (Dawan)— Shirkadda Yiksi oo xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Koonfur Afrika ka heshay oggolaansho heerka koowaad ah oo ay ku bixiso adeegyada la xiriira lacagaha dijitaalka ah, tallaabadaas oo u sahleysa inay ka hawlgasho mid ka mid ah suuqyada maaliyadeed ee ugu horumarsan qaaradda Afrika.
Laanta shirkadda ee Koonfur Afrika, Yiksi Fintech (Pty) Ltd, ayaa Hay'adda Kormeerka Qaybta Maaliyadda ee dalkaas (FSCA) siisay ogolaansho ay ku bixiso adeegyada maaliyadeed oo heerka koowaad ah, gaar ahaan adeegyada lacagaha dijitaalka ah. Oggolaanshahan ayaa ku diiwaangashan lambarka 55213.
Koonfur Afrika waxay ka mid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Afrika ee lacagaha dijitaalka ah u aqoonsada badeeco maaliyadeed. Tallaabadaas ayaa dhigaysa in shirkad kasta oo dalkaas ka bixisa adeegyada hantida dijitaalka ah ay oggolaansho ka hesho FSCA, isla markaana ay u hoggaansanto xeerar la mid ah kuwa lagu maamulo bangiyada iyo shirkadaha maalgashiga.
Si ay u hesho oggolaanshahan, shirkadda waxaa looga baahnaa inay caddeyso in hoggaankeeda uu leeyahay aqoon, karti iyo sumcad wanaagsan, inay leedahay nidaamyo maamul iyo kormeer oo hufan, iyo inay dejisay habraacyo lagula dagaallamayo lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
Yiksi waa shirkad tiknoolajiyadda maaliyadeed ah oo xarunteedu tahay Nairobi, waxaana aasaasay Bile Ahmed Kabah, oo sidoo kale ah madaxa fulinta shirkadda. Waxay ku bilaabatay madal lagu kala beddesho lacagaha dijitaalka ah iyo lacagaha caadiga ah, taas oo u saamaxaysa dadka isticmaala inay iibsadaan ama iibiyaan Bitcoin, Ethereum, USDT iyo noocyo kale oo lacagaha dijitaalka ah ah.
Shirkaddu waxay bixisaa saddex adeeg oo waaweyn. Taran App oo dadka u fududeeya inay lacagaha maxalliga ah ugu beddelaan lacagaha dijitaalka ah ee qiimahoodu deggan yahay ; Yiksi Wallet oo lagu kaydiyo laguna maamulo hantida dijitaalka ah; iyo Yiksi Pay for Merchants oo ganacsatada u suurtageliya inay lacag-bixinnada ku qaataan hab dijitaal ah. Adeegyadan ayaa sidoo kale fududeeya xawaaladaha iyo lacag-dirista dalalka isaga gudubta.
Yiksi waxay diiradda saartaa suuqyada Geeska iyo Bariga Afrika, iyadoo sheegtay inay doonayso inay wax ka beddesho nidaamka maaliyadeed ee Geeska Afrika, una fududayso bulshada inay lacagahooda maxalliga ah ugu beddelaan hanti dijitaal ah oo si caalami ah loo aqbalo.