Muqdisho (Dawan)- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka (NEMA).
Dhammaan senatarradii ka soo qaybgalay kulanka ayaa si wadajir ah ugu codeeyay hindise-sharciyeedka, iyadoo aan la diiwaangelin Senator ka aamustay ama diidday. Sidaas ayuu hindise-sharciyeedku ku helay taageerada buuxda ee xubnihii kulanka joogay. Hindise-sharciyeedkan ayaa akhrintiisa labaad la mariyay 31-kii Oktoobar, waxaana hore loogu gudbiyay dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hore u sheegay in dhismaha hay’addan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, dhaqangelinta shuruucda dalka iyo abuurista hay’ad qaran oo u xilsaaran maaraynta, nidaaminta iyo kormeerka arrimaha deegaanka Soomaaliya. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado deegaan oo isa soo taraya, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, xaalufka dhirta, nabaad-guurka dhulka iyo wasakhowga deegaanka. Wuxuu xusay in dhibaatooyinkani ay saameyn weyn ku leeyihiin nolosha bulshada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Awoodaha iyo Waajibaadka Hay’adda