Addis Ababa (Dawan) — Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay Sacuudiga ka soo celisay 1,364 muwaadin oo ku noolaa xaalado adag, kuwaas oo dalkooda dib loogu soo celiyey lix duulimaad oo dhacay toddobaadkii la soo dhaafay.
Sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, dadka la soo celiyey ayaa kala ah 1,360 rag ah iyo afar dumar ah, waxaana ku jiray 18 carruur ah oo da'doodu ka yar tahay 18 sano. Wasaaraddu waxay sheegtay in dadkaasi gargaar iyo daryeel lagu siinayo garoomada diyaaradaha iyo xarumaha ku-meel-gaarka ah ee lagu qaabilo muwaadiniinta dibadda laga soo celiyo. Waxaa sidoo kale socda dadaallo lagu caawinayo dadka la soo celiyey sidii ay dib ula midoobi lahaayeen qoysaskooda, kaddib markii ay ka soo laabteen xaaladihii adkaa ee ay ku sugnaayeen Sacuudiga.