Muqdisho (Dawan) — Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la xoojiyo ilaalinta suxufiyiinta haweenka ah ee Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyey khataraha iyo tacaddiyada ay kala kulmaan gudashada waajibaadkooda shaqo.
Karin Gatt-Rutter, oo matalaysay Midowga Yurub, ayaa hadalkan ka sheegtay munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Isla-xisaabtan La'aanta Dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta, oo sannad kasta la xuso 2-da Nofeembar. Sida uu sheegay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda suxufiyiinta haweenka ah ee dalka, kuwaas oo Gatt-Rutter ay sheegtay inay si gaar ah ula kulmaan tacaddiyo. Waxay sheegtay in suxufiyiinta, gaar ahaan haweenka, ay halis u galaan gudashada waajibaadkooda shaqo si ay bulshada u gaarsiiyaan xog iyo warar, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan ilaalinta dimuqraadiyadda.
Gatt-Rutter ayaa sidoo kale ka hadashay doorka baraha bulshada ee faafinta macluumaadka, iyadoo xustay in inkastoo ay fududeeyeen helitaanka wararka, haddana ay qayb ka noqon karaan faafinta xogaha khaldan.