Muqdisho (Dawan)— Shirkadda Tabaarak ICT Solutions iyo Xarunta Garaad Gacmeedka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu aasaasayo Akadeemiyadda Garaad Gacmeedka (AI Academy), taas oo bixin doonta tababaro iyo waxbarasho joogto ah oo ku saabsan Garaad Gacmeedka.
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya tacliinta sare iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo dardargeliyo horumarinta tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka. Labada dhinac ayaa iska kaashan doona aasaasidda akadeemiyadda, bixinta tababarrada Garaad Gacmeedka, is-weydaarsiga khibradaha jaamacadda iyo warshadaha, iyo qabashada muxaadarooyin ay jeedinayaan khubaro ku takhasustay arrimahaas.
Sidoo kale, iskaashigu wuxuu diiradda saari doonaa cilmi-baarista, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha, iyo u diyaarinta ardayda jaamacadda suuqa shaqada. Waxaa qorshaha ku jira in ardayda loo abuuro fursado tababarro iyo layli-shaqo, si ay u helaan aqoon iyo waayo-aragnimo ay ugu diyaar garoobaan baahiyaha suuqa shaqada.