Muqdisho (Dawan)— Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso caqabado isugu jira colaado, isbeddelka cimilada iyo marxalad kala-guur siyaasadeed, waxaa sii kordhaya baahida loo qabo in dhallinyarada laga qaybgeliyo dadaallada lagu raadinayo xalalka caqabadaha saameeya mustaqbalkooda.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay madasha COPIC Youth Forum 2026, oo ay soo qabanqaabisay hay'adda Alliance for Climate and Peace (ACP), taas oo diiradda lagu saarayo doorka dhallinyarada ee nabad-dhisidda, ka hortagga colaadaha iyo xoojinta adkaysiga bulshada si ay uga jawaabto saameynta isbeddelka cimilada.
Madashan oo ah mid heer qaran ah oo sannadle ah, socon doonta muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ka qaybgalaya ku dhowaad 200 oo qof, kuwaas oo isugu jira hoggaamiyeyaasha dhallinyarada, wakiillada ururrada dhallinyarada, ardayda, hal-abuurayaasha, dadka ka shaqeeya nabad-dhisidda iyo u-doodayaasha arrimaha deegaanka. Waxaa sidoo kale kulanka ka qaybgalaya wakiillo ka socda dowladda, hay'adaha Qaramada Midoobay, hay'adaha horumarinta, deeq-bixiyeyaasha iyo ururrada bulshada rayidka ah.