Muqdisho, 29 Disembar 2025 (Dawan)- Golaha Sare ee Culimada Ahlus-Sunnah wal-Jamaaca ee Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan culus oo cambaareynaya aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyaga oo ka digay cawaaqib halis ah oo ku saabsan midnimada Soomaaliya, amniga gobolka iyo xasilloonida guud.
Bayaan ka soo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in hadalladii Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Somaliland ee la xiriiray “heshiiska Abraham” ay muujinayaan – sida uu bayaanku sheegay – mashruuca Sahyuunidda ee lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed iyo midnimada dhulkooda. Golaha ayaa adkeeyay in midnimada dhulka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid muqudas ah.
Goluhu wuxuu taageero buuxda u muujiyay shacabka ku nool gobollada waqooyi, isagoo ku booriyay inay ka hor yimaadaan wixii isku day ah ee lagu fulinayo heshiisyo ama is fahan lala galo Israa’iil, isla markaana ka digay in tallaabooyinkan ay sababi karaan qalalaase amni oo halis ah ayna daciifi karaan isku duubnida qaranimada Soomaaliyeed.






