Muqdisho (Dawan) - Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in dib-u-eegis iyo dib-u-cusboonaysiin lagu sameeyo xeerka faaf-reebka, iyadoo sheegtay in sharcigaasi u baahan yahay in la waafajiyo duruufaha hadda jira ee fanka iyo suugaanta.
Guddoomiyaha Akademiyada, Cusmaan Yuusuf Cusmaan, ayaa sheegay in xeerka dib loo soo celin karo si looga doodo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddibna loo maro hannaanka ansixinta sharciga.
Cusmaan ayaa hadalkan ka sheegay dood cilmiyeed lagu qabtay magaalada Muqdisho Isniintii oo looga hadlay duruufaha ku xeeran fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qeyb galeen abwaanno, aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan Akademiyada.
Wuxuu sheegay in dib-u-cusboonaysiinta xeerka faaf-reebku ay muhiim u tahay wax ka qabashada caqabadaha saameeya fanka iyo fannaaniinta, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday arrimo la xiriira xuquuqda hal-abuurka iyo sheegashada lahaanshaha heesihii hore.