Soomaaliya 5 Oct. 25 – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in baabuurta ciidanka aysan marin baaritaano sax ah kadib weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen Xarunta Baarista Godka Jilacow, oo ah goob muhiim ah oo lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan ururka Al-shabaab.
Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Amniga Soomaaliya ka dib weerarka xalay ayay ku sheegeen in howlalki la soo dhameeyay xubnihi Al-shabaab oo 7 ahaa oo goobta soo wareerayay dhamaantood la dilay.
Sida ay dowladda sheegtay weerarka ayaa loo adeegsaday gaari lagu buufiyay midabka gawaarida ciidamada amniga dowladda, iyo rag ku labisan dareeska ciidamda, iyada oo taas ay u fududeysay in ay si fudud ugu soo gudbaan baraha kontarool ee magaaladda. “Weerarka waxay u isticmaaleen gaari cabdi bile ah oo leh midabyo iyo calaamado la mid ah kuwa ciidamada amniga, taasoo u sahashay inay si fudud uga gudbaan baaritaannada amniga," ayaa lagu sheegay bayaanka.
waxay intaas ku dartay baahida deg dega ah ee loo qabo in gawaarida ciidamda ay maraan baaritaanno sax ah si aysan tan oo kale mar kale u soo laaban.
War-saxaafadeedka ayaa ciidamda amniga lagu faray in ay si buuxda u dhaqan galiyaan xeerarka xakameynta hubka oo ay dowladda horay u soo saartay si gaar ah: Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda, Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah iyo Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda. Amarro ay masuuliyiinta dowladda ugu sareyso ay dhowr jeer ku celceliyeen.


