Muqdisho (Dawan) — Magaalada Muqdisho ayaa Talaadadii lagu soo bandhigay daraasad cilmi-baariseed oo muddo sannad ah socotay, taas oo lagu qiimeeyay wasakhowga qashinka adag iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka badda. Cilmi-baaristan oo ay samaysay Hay'adda Cilmi-baarista Badaha Soomaaliyeed (SMRRC) ayaa muujisay in maareynta qashinka oo liidata, wasakhowga caagagga iyo qashinka si aan habboonayn loo daadiyo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira xeebaha caasimadda.
Daraasadda waxaa lagu wareystay 369 qof oo isugu jira kalluumeysato, ganacsatada kalluunka, quusayaal iyo dadka deggan xeebaha Liido ee degmada Cabdicasiis iyo Geel Liq ee degmada Xamarweyne. Warbixintu waxay soo xigatay cilmi-baaris hore oo sannadkii 2024 laga sameeyay xeebta Liido, taas oo lagu diiwaangeliyay 119,873 xabbo oo qashin ah, kuwaas oo 89.47% ay ahaayeen caagag.
Natiijooyinka cilmi-baarista ayaa muujiyay in caagagga iyo qalabka kalluumeysiga ee la tuuro ay yihiin noocyada qashinka ugu badan ee laga helo xeebaha, halka guryaha, suuqyada, maqaayadaha, hoteellada iyo hawlaha kalluumeysiga lagu tilmaamay ilaha ugu waaweyn ee wasakhowga. Dadka la wareystay ayaa sidoo kale sheegay inay yar yihiin goobaha qashinka lagu ururiyo, adeegyada qaadista qashinkuna aysan joogto ahayn, iyadoo la arkay qashin si toos ah loogu daadinayo badda.
Guddoomiye ku-xigeenka hay'adda, Cabdiraxiim Warsame, ayaa sheegay in cilmi-baaristu ay socotay muddo hal sano ah, isla markaana ay doonayaan inay sii wadaan hawlaha cilmi-baarista.