Jabuuti (Dawan)– Heshiiska cusub ee Hay’adda Horumarinta Dowladaha Geeska Afrika (IGAD) ayaa dhaqan galay Isniintii, 16-kii Nofeembar. Jabuuti oo xilligan guddoominaysa ururka ayaa Talaadadii soo dhaweysay tallaabadan, iyadoo ku tilmaantay “isbeddel go’aan leh” oo ku aaddan isdhexgalka gobolka Geeska Afrika.
Heshiiskan ayaa la ansixiyay 12-kii Juun 2023, intii uu socday shirkii 14-aad ee caadiga ahaa ee Golaha Madaxda Dowladaha IGAD, kaas oo ka dhacay Jabuuti. Wuxuu dhaqan galay kadib markii Soomaaliya ay noqotay dalkii shanaad ee xubnaha ururka ka tirsan ee ansixiya, taasoo dhammaystirtay tirada saddex-meelood laba meel ee loo baahnaa. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heshiiska ansixiyay bishii Janaayo.
Heshiiska cusub wuxuu IGAD siinayaa “qaab-dhismeed sharci iyo mid hay’adeed oo casri ah” si ay uga jawaabto caqabadaha ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, la qabsiga isbeddelka cimilada, kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, ganacsiga iyo horumarinta bulshada. Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay Jabuuti soo saartay, kaas oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Dowladda ee ADI.
“Gobol ay ka jiraan caqabado joogto ah, colaadaha oo sii wada barakicinta dadka, abaaraha oo khatar ku ah hab-nololeedka bulshada iyo dhallinyarada oo hiigsanaysa fursado cusub, xoojinta wadajirka ficilku waa baahi istaraatiiji ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Jabuuti ayaa sheegtay in guushani ay ku soo beegantay sannad-guurada 40-aad ee aasaaska IGAD.
Jabuuti, oo ka mid ah lixdii dal ee aasaasay ururka, isla markaana ay Soomaaliya ka mid tahay, ayaa sidoo kale martigelisa Xoghaynta IGAD. Waxay mahadcelin u jeedisay Golaha Madaxda Dowladaha, Golaha Wasiirrada, Guddiga Safiirrada dalalka xubnaha ka ah iyo Xoghaynta IGAD, doorkii ay ka qaateen dhaqan-gelinta heshiiska.