Muqdisho (Dawan) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, kaddib markii hindisaha la marsiiyay akhrintiisa saddexaad, sida uu sheegay Golaha Aqalka Sare. Hindise-sharciyeedka waxaa oggolaaday 27 senator oo ka qeybgalay codbixinta, iyadoo aanay jirin cid diidday ama ka aamustay.
Ka hor codbixinta, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixinta akhrinta saddexaad, isagoo mudanayaasha ka codsaday inay meel mariyaan hindise-sharciyeedka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa soo dhoweysay ansixinta, iyadoo sheegtay in hay’adda la dhisayo ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto maamulka, ururinta iyo kobcinta dakhliga gudaha dalka.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sidoo kale lagu ansixiyay laba xubnood oo buuxinaya kuraas ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka.