Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mucaaradka ugu baaqay inay ka qaybgalaan gogosha wadahadalka ee ay dowladda federaalku furtay, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo aragti kasta oo ka wanaagsan tan dowladda.
“Haddii aad ra’yi ka wanaagsan gogoshaas haysaan, noo keena, taas ayaan oggol nahay inaan qaadanno,” ayuu yiri Xasan Sheekh, oo habeenimadii Khamiista ka hadlayay munaasabad lagu sagootinayay martidii ka qaybgashay caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug, taas oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa sheegay in gogosha wadahadalku ay weli furan tahay, isla markaana qof kasta loo oggol yahay inuu miiska soo dhigo arrimaha uu muhiimka u arko. “Arrimaha siyaasadda gogol ayaa u fidsan oo loogu talagalay in la soo galo, lagana wada hadlo waxa taagan. Qof walba ajandaha uu arko inuu muhiim yahay waa loo oggol yahay inuu miiska soo saaro, waana laga doodayaa. Marka ma jirto sabab loo kala irdhoobo.” ayuu yiri