Muqdisho (Dawan)- Jaamacadda SIMAD ayaa maamulkeeda iyo shaqaalaheeda u qabatay socod caafimaad oo qiyaastii afar kiiloomitir ah, kaas oo lagu soo gabagabeeyay baaritaanno caafimaad oo shaqaalaha loogu sameeyay Isbitaalka Dr. Sumait. Hawshan ayaa qayb ka ahayd dabbaaldegga sannad-guuradii 27-aad ee aasaaska jaamacadda, waxaana ujeeddadeedu ahayd la socodka xaaladda caafimaad ee shaqaalaha, dhiirrigelinta dhaqdhaqaaqa jirka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya.
Socodka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariin Muxudiin Axmed, waxaa ka qaybgalay maamulka sare iyo shaqaalaha jaamacadda, rag iyo dumarba. Socodku wuxuu ka bilaabmay xarunta Town-ka ee jaamacadda, oo ku taalla Soobe, wuxuuna ku dhammaaday Isbitaalka Dr. Sumait ee Jaamacadda SIMAD. Isbitaalka waxaa shaqaalaha loogu sameeyay baaritaanno caafimaad oo guud, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen cabbirka cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha.
Ujeeddada barnaamijku waxay ahayd in lala socdo xaaladda caafimaad ee shaqaalaha, laguna dhiirrigeliyo jimicsiga iyo baaritaannada caafimaad ee joogtada ah. Waxa kale oo uu fursad u abuuray shaqaalaha inay ku kulmaan meel ka baxsan xafiisyada, fasallada iyo shirarka, si ay u xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqaynta dhexdooda.