Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola macaamilo beesha caalamka si ciidamada shisheeye ay dalka usii joogaan, isla markaana dhaqaale loogu raadiyo sii wadista hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Khayre oo Khamiistii ka hadlayay shir jaraa’id oo ay qabatay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in xaaladda amni ee dalka ay u baahan tahay mowqif mideysan iyo wada-shaqayn.
“Annagoo wadajir ah aan beesha caalamka ula macaamilno si ciidamadu noogu sii joogaan, annagoo wadajir ahna aan u raadino dhaqaale lagu sii wado Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan heshiis siyaasadeed looga gaaro khilaafka dalka, si loo helo xal ay Soomaalidu ku wada qanacsan tahay, loona dhiso dowlad Soomaaliyeed.