Muqdisho (Dawan) — Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Sabtidii Sharciga Macdanta iyo wax-ka-beddelka Qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka, tallaabooyin lagu xoojinayo qaab-dhismeedka sharci ee lagu maamulayo khayraadka dabiiciga ah iyo iibka dowladda.
Aqalka Sare ayaa Sharciga Macdanta ku ansixiyay 28 cod oo oggol ah iyo laba cod oo diidmo ah, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay, kaddib markii Senatar Saynab Ismaaciil Maxamed, guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, ay Golaha u soo bandhigtay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciga. Sharciga ayaa horey looga dooday akhrintiisii labaad, iyadoo senatarradu ay soo jeediyeen arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda dadka ku nool deegaannada laga helo macdanta, magdhowga waxyeellada deegaanka iyo sida loo maareynayo khayraadka macdanta dalka.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo fadhiga ka qeyb galay, ayaa soo dhaweeyay ansixinta sharciga, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah in si hufan, sharciyeysan oo waara loo maareeyo loogana faa’iidaysto macdanta iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah ee dalka. Wasiirku wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay guddiga Aqalka Sare iyo senatarrada shaqadii ay ka qabteen sharciga, isagoo sheegay in hindise-sharciyeedka uu soo maray dib-u-eegis iyo falanqayn ballaaran ka hor ansixintiisa.
Aqalka Sare ayaa sidoo kale ansixiyay wax-ka-beddelka Qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka, iyadoo 29 senator ay u codeeyeen oggolaansho, hal senator uu ka aamusay, isla markaana aysan jirin cid diiday.